Sunday, November 29, 2015

Askarigii Sheekha Nagu Noqday. Qalinkii: Cabdishakuur Heersare


Mar keliya ayaa waxa agtayada soo joogsaday baabuur Laankuruusar ah. Waxa saaran guddoomiyaha gobolka Togdheer. Waxa aanu ahayn saddex nin oo dhalinyaro ah oo inta ay fadhi haleeli waayeen sare-joogga isku waraysanaya.

Friday, November 20, 2015

Safarkaygii Dooxo-guban. Qalinkii: Cabdishakuur Heersare

Waxa aanu ka ambabaxnay magaalada Hargeysa. Annaga oo afka saarnay waddada isku xidha Hargeysa iyo Berbera. Waxa aanu ka koobnayd laba qof. Baabuurka waxa waday Xiis Saleebaan Nuur.

Thursday, July 16, 2015

Yaa loo hubaynayaa?

wiil qori haystaArrinta aan ka hadli doonaa waxay i xusuusisay horraantii sagaashanaadkii waxa aan ka mid ahaa arday wax ka baran jirtay dugsi ku yaalla dariiqada Xaaxi oo ka tirsan gobolka Daad-madheedd (Oodweyne). Xilliyadaasi waxay ahayd intii aanay Somaliland hagaha adag ku taagnayn oo dagaallo ayaa iska jiray.

Monday, July 13, 2015

Askarigii Sharafta la hoyday oo qoyskiisii deeq ay ku farxeen la gaadhsiiyey.


Wuxuu ahaa askari ay geeridiisu dad badan taabatay. Shaqadiisa oo uu ku fiicnaa, dadka oo uu si fiican ula dhaqmi jiray, xilkasnimo iyo aqoon uu u lahaa shaqada uu qabanayey ayaa ka dhigtay in laga murugoodo geeridiisa. Ibraahin Faarax Diiriye oo ku magac-dheeraa Kalabaydh wuxuu ka tirsanaa ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee Somaliland. Wuxuu ka hawlgeli jiray magaaalada Hargeysa.

Friday, May 29, 2015

Safarkii xiisaha badnaa!


Wuxuu ahaa safar guure, dheelmasho, galab-carrow iyo kallahaad inta ba isku darsaday. Waxa aan ka baqoolay magaalada Hargeysa aniga oo u sii jeeday meel aan muddooyinkaa ba rabay in aan tago. Waxa aan sii xawaareeyaba gaadhay bartii aan beegsanayay.

Friday, January 16, 2015

Marka laga yimaado gabowga uu waqtigu keeno, waxa jira gabow uu qofku isu keeno! By; Cabdishakur Heersare

Gabowgu waa marxalad sugaysa qof kasta oo adduunka ku nool inta aanay geeridu haleelin. Waa xilli qofna qoomameeyo waqtiga dhaafay oo macne la'aan ku waydaartay, qofna la dangiigsado farxad iyo raynrayn.

Friday, January 2, 2015

SONYO: Ciddii kala qaybisay calool-xumo iyo habaar ayay naga mutaysatay!by; Cabdishakuur Heersare

Maalmihii u danbeeyey waxa qalbigayga luxayey dareenno xooggan oo ka dhashay kala qaybsankii dalladda SONYO. Waxa aan isku tiriyaa dadka wax badan ka og maraaxilkii kala duwanaa ee ay dalladdu soo martay.