Monday, November 6, 2017

Codbixiyeyaal Kala Fog. WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed (Heersare).

Barnaamij muuqaal ah oo dhawaan lagu sameeyey magaalada Oslo ee caasimada Norway, ayaa lagu soo bandhigay waxa qofka sirta u ah ee aanu cid kale u sheegin. Barnaamijka oo la sameeyey xilli hawlo doorasho lagu jiray, ayaa waxa ugu mudnaa laba weydiimood oo la kala weydiinayey dadka asal ahaan Noorwiijiya ah iyo dadka aan ahayn oo soomaalidu ku jirto, laakiin muddooyin kala wudan waddanka ku noolaa.
Waxa ay laba su'aalood kala ahaayeen inuu qofku sheego xisbiga uu u codaynayo ama uu u codeeyo, iyo ta labaad oo ahayd inuu qofku sheego xilligii galmo uu sameeyo ugu danbaysay.

Dhammaan dadkii Noorwiijiga ahaa way diideen inay sheegaan xisbiga ay u codaynayaan/u codayn doonaan, iyagoo ku adkaystay inay sir u tahay oo aanay cid u sheegayn. Waxay se si dhib yar uga jawaabeen ta galmada oo rag iyo dumar ba qof kastaa xilli ugu danbaysay wuu sheegay.

Dadka ajaanibka ah ee Soomaalidu ku jirto oo iyagana su'alahaas la waydiiyey, si dhib yar waxay u sheegeen xisbiga ay codka siinayaan ama ay codka siin doonaan. Laakiin su'aasha galmada markii la waydiiyey, waxay u ku gaabsadeen inay sir tay oo aanay sheegayn. Dadka qaar iyaga oo maxa xoqanaya oo su'aasha ka yaabban ayey dhaqaaqeen.

Halkaa waxa aad ka arkaysaa sida ay u kala fog yihiin codbixiyeyaasha doorashada ee waddamadu, oo tusaale ahaan dadka Noorwiijiga ah ee codkooda qarinayaa waxay og yihiin in codkoodu yahay waxa xisbiyadu isku haystaan ee loolanka ugu adag ay ugu jiraan, oo mid kastaa ku dadaalayo inuu helo. Taasina waxay keentaa in xisbi kastaa la shir yimaado barnaamij-siyaasadeed miisaaman iyo doodo wax-ku-ool ah.

Innagana waxa aad arkaysaa dadweyne dhan ama beel abaabulan oo leh: "Haddii aanu reer hebel nahay, xisbi hebel ayaanu codka siinaynaa." Halkii ay dadkaasi ku gorgortami lahaayeen codkooda oo inta ay u aamusaan xisga uu barnaamijkiisu ganciyo ay codkooda siin lahaayeen. Waa se la iska gaadhi doonaa haddii Alle ka dhigo.


In codbixiyuhu codkiisa qariyaa waxay halxidhaale culus ku noqonaysaa la doortayaasha oo werwer iyo xasilooni darro la soo dersayso, isla markaana filashada guushu waxa ay kaga laalmaysaa raar sare.

In codbixiyuhu codkiisa qariyaa waxay halxidhaale culus ku noqonaysaa la doortayaasha oo werwer iyo xasilooni darro la soo dersayso, isla markaana filashada guushu waxa kaga laalmaysaa raar sare.

Cabdishakuur  X. Muxumed Muuse (Heersare)

No comments:

Post a Comment