Thursday, December 7, 2017

Wareysi Aan 2011kii Ka Qaaday Gudoodo Carwo. Diyaarintii: Cabdishakuur Muxumed (Heersare)

Alle ha u naxatiistee Shamis Abokor Ismaaciil "Guduudo Carwo"  oo maanta Hargeysa lagu aasay, ayaa bishii Jeeniweri  ee sannadkii 2011 waxa aan Hargeysa ka qaaday wareysi aan xilligaa ciwaan uga dhigay "GOORMAA KUUGU DAMBAYSAY GUDUUDO CAWRO."
Wareygsii aan xilligaa ka qaaday ayaan idin la wadaagayaa ee ka bogasho wanaagsan:

“Sannadkan soconaya (2011) ayaa ii noqonaya kii 14-aad intii uu xanuunku i hayay, alxamdulillaah waa ilaahay mahaddii.” Shamis Abokor.
Shamis Abokor Ismaaciil oo ku magacdheer Guduudo Carwo, waxa ay ka mid ahayd hablihii ugu horeeyey ee fanka soomaalida ku biiray gaar ahaan iyadu waxa ay ku biirtay sannadkii 1952-kii, hasayeeshee muddo ku dhow 20 sano way ka dhex-baxday, oo xitaa ma ogolaato inay ka sheekayso taariikhdii fankeeda.
Shamis Abokor, waxa ay 14 sano sariir-yaal u ahayd xaruun ku dhacay oo sababay in dhinac shaqayn waayo. Laakiin maskaxdeeda, hadalkeeda, maqalkeeda iyo indhaheeduba si sax ah ayay u shaqaynayaan, iyada oo xaaladaa xanuun ku jirta haddana cibaada foodda kama qaado, oo waa qof si weyn ilaahay ugu xidhan.  
Wareygisa aan Gudoodo Carwo la yeeshay oo dhinacyo badan taabanaya, ayaa waxa ay ka cudurdaaratay inay ka xog-waranto taariikhdii fankeeda, iyada oo arrintaa ku sababaysay inay muddo hore ka baxday hawlaha fanka.
Su’aashii ugu horaysay ee aan weydiiyey ayaa ahayd inay ka xog-waranto xaaladeeda caafimaad, waxana ay ku jawaabtay oo ay tidhi: “Alxamdulillaah, hooyo waan fiicanahay, oo wax waan arkayaa, waan maqlayaa oo waan hadlayaa, oo caqligaygu waa taam. Hasayeeshee dhinac ayaan i shaqaynayn oo ma kaco, balse ilaahay ayaan ugu mahadnaqaa mar kasta oo aan weysaysanayo iyo mar kasta oo aan tukanayo. Ilaaha innaga oo aan jirin ina abuuray ayaa halkaa i fadhiisiyey oo igu filan iguna og. hooyo alxamdulillaah ayaan taaganahay oo dhulkaygiina waan jooga.”
Mar aan weydiiyey hooyo Shamis Abokor inay ka hadasho xilligii uu xanuunku ku dhacay iyo halkii ay joogtay, waxa ay ku jawaabtay: “Hooyo markii uu xanuunkani i helay waxa aan joogay Dirdhabe [dalka Itoobiya]. Waxaana uu igu dhacay sannadkii 1997-kii bishii u dambeysay, waxa la ii soo qaaday halkan [Hargeysa] oo la i keenay 1998-kii bishii u dambaysay. Sannadkan soconaya [2011] ayaa ii noqonaya kii 14-aad intii uu xanuunku i hayay, alxamdulillaah waa ilaahay mahaddii. Waxa aan doonayaa waraysigan aad i waraysanayso inaan uga faa’idaysto oo aan u mahadnaqo niman soomaaliyeed oo xagga dirdhabe joogay xilligaa oo si weyn wax iila qabtay intii ka xasuusto, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Cabdi Jibriil, Dr. Maxamuud Cismaan Ciise, Alle ha u naxariistee Cabdi Najiib Xuseen, Alle ha u naxariistee Maxamed Cabdilaahi Xoogsade, Ruqiya Axmed, Xildhibaan reer Jabuuti ah oo la yidhaahdo Xuseen Aadan. Alxamdullilaah ilaahay ayaa ii sakhiray ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.”
Shamis Abokor oo mar kale aan weydiiyey su’aal ahayd; Qof waliba waxa uu ka tirsan yahay bah amma koox, adiguna waxa aad ka tirsanaan jirtay bahda fanka ilaa hadda maxaa xidhiidh ah oo ay kula soo sameeyaan amma cid kuu timaadaa ma jirtaa? Waxa ay ku jawaabtay oo ay tidhi: “Horta kuwa Hargeysa joogaa iyagu waxba ma haystaan, qolyaha dibadaha u baxay waxa igala soo xidhiidha oo i soo xasuusta marka uu ilaahay ii sakhiro; Khadra Daahir, Mustafe Xasan [Mustafe Kiiko], Saynab Cige, Shamsa Bashiir, Faadumo Qaasim Hilowle, Saynab Xaaji Cali [Baxsan] oo xamarta xabbadu ka dhacayso joogta, Maxamed Axmed Kuluc, Maxamed Aadan Dacar oo anigu u aqaano Maxamed shaafici, inanta la yidhaahdo Maryan Mursal marka ay Hargeysa timaado way ii timaadaa iyo kuwo kale oo badan. Qolada Hargeysa joogtaa aad iyo aad ayay ii soo xasuustaan sida  Xasan Ganey, Ruun Xaddi, Tiriig Xaashi, Canab Diiriye, Xaliimo yar iyo in kale badaniba way ii dadaalaan. Waxa kale oo aan Hooyo salaamayaa oo aan mahad u celinayaa nin la yidhaahdo Sheekh Cali Warsame [Fanaxey] oo alle ii sakhiray oo xamar oo xabbadu dhacayso lacagta ii soo dirayey imikana oo uu Nairobi joogana ii soo dira iyo Muslimo Qaasim Hilowle oo joogta Nairobi oo iyana taageeda i soo xusta.”
Waxa ay intaa raaciysay oo ay tidhi: “Waxa aan leeyahay fannaaniinta dibada jirta Anigu Shamis ahaan waxa aan joogaa Hargeysa iyo halkii aan magaca ku kala baxay, allena wuu ila jiraa oo isaga ayaa igu filan, ee waxa aan idin lee yahay fannaaniintii Waaberiyey fannaaniinta Waaberi ee xamar jooga u soo gargaara.”
Mar ay Shamis Abokor ka jawaabaysay su’aal ahayd; xumuukada hadda jirta amma tii horeba, maadaama oo aad ahayd qof miisaan leh oo waddanka laga wada yaqaano maxay xidhiidh kula soo sameeyaanaan ama la gula soo sameeyey? Waxa ay ku jawaabtay:  “Horta ilaahay ayaan ugu mahadcelinayaa nabadda iyo caanaha ina siiyey, walaalaheena koonfireedna ilaahay waxa aanu uga baryaynaa inuu ka dhex saaro dhibaatada dhexdooda taala. Hooyo Raadyow ayaa i ag-yaala oo aan mar kasta dhegaystaa, waddan afrikaan ah nin madaxweyne u ah [madaxweynaha Ivory coast ee doorashada laga helay] waa laga furfuri kari la’yahay, Daahir Rayaale waan u ducaynayaa, taaggiisa markii uu madaxweynaha ahaa wuu i xusi jiray. Haddana waan u ducaynayaa oo waxa aan ugu ducaynayaa sidii sharafta lahayd ee uu ku tegay. Tan imika joogta [xukuumada Silaanyo] taagtooda way i xidhiidhiyaan, balse alle ayaa igu filan. Waxa kale oo jira dad kala duwan oo i xidhiidhiya oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, Wasiiraddii Hore ee qoyska Faadumo Suudi Xasan iyo guud ahaan Fannaaniinta Hargeysa.”
Hooyo Shamis Abokor waxa ay talo culus u soo jeedisay fannaaniinta da’da yar iyo culimada waxana ay tidhi: “Annagu markii aanu yar yarayn ee aanu fanka gelaynay ee aanu afar-qaadaynay dee waxba maanaan garayn ee xaaraan yaynaan doon-doonin, oo culimadii hore waan u ducaynayaa towxiidka ayaabay nabareene oo tafsiirka sidan imika looma aqoon. Culimada yar yar ee hadda tafsiirka dareerinaysa waxa aan lee yahay qolyaha heesaya ha ka cararina oo koone ha uga bixina’e oo ha ka hogaaganina’e Sidaa iyo Sidaa yeela ku dhaha. Annagu markii aanu dhalinyarada ahayn dee cid wax noo sheegta maanaan heli jirin, oo imika meel walaba waxa laga maqlayaa sheekh Mustafe, Sheekh Dirir, Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh Aadan Siiro, Sheekh Maxamed Carab, Sheekh Cabdiraxmaan Faarax iyo Sheekh Aw Libaax kulligood waanu dhegaysanaa khayr alle ha siiyee. Fannaaniinta yar yar ee haddana waxa aan lee yahay ha isku hallaynina fanka ee wax barta, cilmi ayaa meel kasta ka helaysaane, tii ilaahay [Diinta] iyo tii maadiga ahaydba waad helaysaane wax barta.”
Mar aan weydiiyey inay wax yar ka hadasho taariikhdeedii hore, ayaa waxa ay tidhi: “Subxaanalaah, Hooyo waan kuu sheegayaa da’da aan dashay, laakiin dadku da’da ay i moodayaan ma ihi oo waxa ay maqleen ‘Guduudo carwoy gugii la arkaba yaa shagaanti kaa dhiga,’ oo qaarbaa i moodayaba inaan laba boqol oo sano jiray, qolo kalena waxa ay ku odhanayaam ‘ma Guduudo carwo ayaa nool, oo imika qaar ayaa orayana ‘tolay xagguu Gudoodo ku arkay oo uu waraysigan kaga soo qaaday?’ Hooyo anigu waxa aan dhashay 1935-kii. Waxa ay dadka qaar yidhaahdaan ‘dumarku da’da ayay ka xanaaqaan,’ maxaanu uga xanaaqaynaa oo aanu u dafiraynaa da’da uu ilaahay na nooleeyey oo aanu ugu mahadnaqayo oo aanu ku caabudayno. Ilaahay axsaan weyn ayuu ii sameeyey mar hadduu ilaa xilligan i soo gaadhsiiyey oo aanu nafta iga qaban aniga oo mastax dhex-boodaya.”
Su’aasha ugu danbaysa ee aan hooyo Shamis Abokor  weydiiyey ayaa ahayd; maxaa laguugu bixiyey magacan Guduudo-carwo, goormaadse ku soo biirtay fanka? Waxa ay ku jawaabtay oo ay tidhi: “Hooyo marka hore anigu islaantaa madow ee ilkaha cas ayaan ahay, magacanina waxa uu lahaa taariikh oo waxa la odhan jiray ‘Guduudo carwoy gugii la arkaba’ ayaa hablaha lagu ammaani jiray si hirwada ugu soo baxaan, markaa magac jiray ayuu ahaa. Alle ha u naxariistee weriyihii qaaliga ahaa Cabdi Ducaale Ileeye oo Cabdi Ayuub lagu naanaysi jiray ee nin Raadyow ka hadla ugu horeeyey, ayaa magacan Guduudo-carwo ii bixiyey, maadaama oo aan ahaa inan yar si aanay reerkaygu ii ogaan, ayaa magacaa la iigu bixiyey, waxaana ay ahayd 1952-kii, isla xilligaas ayaan fanka ku biiray. Mana jecli inaan ka sheekeeyo taariikhdii fankayga oo muddo hore ayaan ka baxay, oo ilaahay ayaan waydiisanayaan inuu i cafiyo oo uu dembigayga dhaafo.”
Cabdishakuur  X. Muxumed Muuse (Heersare)
http://heersare1.blogspot.no/

1 comment:

  1. Maalgashiga Anderson Carl Asset Trade wuxuu ahaa sheygii ugu weynaa ee waligey igu dhacay, aad ayaan ugu mahadcelinayaa shaqadiisa wanaagsan ee maalgashadayaasha si uu noo siiyo fursad aan ku kasbano dakhli todobaadle ah iyada oo loo marayo madal Maalgalineed Waxaan maalgashaday $100 qiyaastii 7 maalmood ka hor helay $1,650.00 faa'iido hambalyo aniga sababtoo ah waan faraxsanahay oo waxaan gelinayaa wax badan ma dhihi karo wax yar oo ku saabsan madal this waxay ahaayeen kuwo aad u cajiib ah. Haddii aad rabto inaad bilowdo inaad faa'iido ka hesho maalgashiga bitcoin maanta Anderson Carl Asset Trade waa waxa kaliya ee aad u baahan tahay
    La xidhiidh
    iimayl: andersoncarlassettrade@gmail.com
    Whats-app: +1 (252)285-2093

    ReplyDelete